Iyada oo ay u baahnayd Real Madrid daafac dhexe iyo mid baal ah ba hadan tuhunkii yaraa ee ahaa in Ramos ay soo qaadanayaan ayaa Sergio Ramos khadka ka saaray arinkaas.
Real Madrid ayaa xiliciyaareedkan ka maqanyihiin ciyaartoy farabadn oo ay ku maqan yihiin dhaawacyo kuwaas oo ay ka mid yihiin Militao, Alaba, Lucas, iyo kuwa kale o farabadan.
Real Madrid ayaa xiliciyaareedkan ka muuqda niyad jab badan kadib markii ciyaartoy gooda la siin waayey kubada dahab ka ah taas oo uu mudnaa laakin laga qaaday oo la siiyay ciyaartoy kale oo ka mid ah Manchester City kaas oo ah Rodri
Sergio Ramos oo dhahay "Real Madrid ima soo wacin, laakin hadii ay isoo wacdo si aan ugu soo laabto, uma laabanaayi, kamana qabanaayo mobile."
"Waxaan qaatay go'aan cad anigoo og ama ku kalsoon in aan ciyaari karo sodden ama afartan iyo wax ka badan oo ciyaaro ah, taasina ma badalin fikraddii aan ku haystay maskaxdayda.
Nacho oo hadlaya ayaa dhahay. "Haddii ay I soo wacaan, halkan ayaa aad ugu faraxsanahay, waa inaan la dareemo dhibta Real Madrid"
Nacho wuxuu intaaas ku daray "Runta hadi aan sheego, halkan waxaan ka qaataa lacag ka badan tii aan ka qaadan jiray Real Madrid. Uma iman Saudi Arabia lacag darteed oo kaliya? Maya. Waxaan doonaya isbadel nololeed ta qoyskayga iyo ta kalaba iyo waayo-aragnimo cusub. Lama murmi karo qofka sheegaya In lacag darteed u imi halkan"
0 Comments