Ciyaartoyga reer England ee Cole Palmer ayaa ku qaadanaya Chelsea wakhti fiican xiliciyaareedkan iyo kii horaba waana Ciyaartoyga kaliya ee ay ku dhaqaaqdo Chelsea iyada oo ay joogaan Ciyaartoyyo farabadn hadana Cole Palmer la'aan Chelsea wax wayn ayaa ka dhimi doona.
Wiilkan 22-- jiraan ayaa awoodi waayay inuu la tababarto ciyaartoyda horaanti isbuucan ka dib markii uu ka dhaawacmay jilibka bidix kulankii Manchester United ee lagu dheelayey Old Trafford.
Cole Palmer ayaa seegay kulankii dhawaa ee ay la dheeshay kooxdisa Chelsea kooxda Noah kaas oo ay Chelsea ka kicisay tiro goolal ah oo gaadhaya 8:0 kaas oo ay ku badisay Chelsea, koobka Conference League.
Cole Palmer ayaa daawanaayey kooxdisa Chelsea ciyaartii Conference League.
Markii ay waryaashu waydiiyeen xaalada Cole Palmer macalinka habeenkii Khamiista waxuu dhahay "Wuu fiican yahay. Wuu soo roonaanayaa" ayuu dhahay Enzo Maresca macalinka Chelsea.
Taas oo la malaysan karo in uu maqnaanayo kulanka darling ah ee ay wada dheelayaan labada kooxood ee ree England.
Arsenal oo ay taasi u noqo nayso fursad wacan oo ay ku garaaci karto kooxda Chelsea isga oo Mikel Arteta uu yidhi "Sidii aanu ula dheelnay Inter Milan hadaanu ula dheelno Chelsea waanu ka badinaynaa" taas oo ah ku digasho.
0 Comments