Libaaxi hore ee scholes Man United ayaa dhaleeceyey Diogo Dalot kadib markii ay United barabaro la gashay kooxda reer Turkey ee Fenerbahce kula. Ka tirsan Europa League ah.
Paul scholes kuma faraxsanayn baraajaha kooxdiisa gashay laakin khaladka uu galay daafaca reer Portugal ee Diogo Dalot ayaa sababay Goal ka barbaraha.
Christian Eriksen ayaa goal ka hore u dhaliyey Manchester United isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdisa Man United.
Si kastaba ha ahaate, Allan saint maximin iyo Youssef En-Nesyri ayaa bilowgii qeybt labaad ee ciyaarta isku dhufasho qurux badan sameeyey waxaan ay dhaliyeen gool ka barbaraha.
Dalot ayaa isku dayay inuu xakameeyo dhaqdhaqaaga saint maximin laakin ugu dambayntii waa gudbay. Waxa uu u ogolaaday saint-maximin inuu gudaha u aado taas oo karoos fiican u saaray madaxa ciyaartoyga En-Nesyri, kaas oo dhaliyay goolka barbaraha
Paul scholes waxa uu sheegay in Dalot ay ahayd in uu muujiyo degdeg badan si uu u xanimo saint-maximin, oo caan ku ah caawinta khatarta ah, waxuu ku booriyey inuu ku baxo so uu u joojiyo karooska noocaas ah
Paul scholes ayaa sheegay in uu Diogo Dalot ahaa ciyaartoyda ugu fiican Man United laakin u baahan yahay horumarin ah xaga daafaca si looga hortago khaladaadka noocan ah.
Inkastoo ay barbaro galeen labada kooxood hadana scholes waxa uu u arkaa natiijo wanaagsan, gaar ahaan marka la eego jawiga Sukru Saracoglu Stadium.
0 Comments