Riccardo Calafiori ayaa sharaxay farqiga u dhaxeeya horyaalka Premier League iyo horyaalka Italy
Riccardo Calafiori ayaa heshiis ugu soo biiray kooxda Arsenal kuna tilmaamay mid hashees wanaagsan oo u ku faraxsanyey
Wuxuuna sharaxaad ka bixiyey farqiga u dhaxeeya horyaalka Talyaaniga iyo ka Ingriiska
Daafaca reer Italy ayaa ugu soo dhaqaaqay Bologna heshiis ku kacay ku dhawaad 50 milyan oo euro
Calafiori ayaaa si deg deg ah ula qabsaday kooxdiisa cusub ee Arsenal, wuxuuna soo jiitay jamaahiirta kooxdiisa, gaar ahaana markii uu gool muhiima ah ka dhaliyay kulankii Premier League, kasoo ku dhamaaday barbaro 2-2 ah oo ay la galeen Manchester City
Riccardo Calafiori oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi "Waxaan u malaynayaa in aan si fiican ula qabsado horyaalka Premier League laakin wali waa wakhti hore waxa aan qaab ciyaaredkayga ugu mahad-celinayaa saaxiibadayda kooxda"
Isagoo ka hadlayay farqiga u dhaxeeya horyaalka Talyaaniga, wuxuu yiri: "ma dareemayo inaan iraahdo waa ka wanaagsan yahay horyaalka Talyaaniga laakiin hubaal wuu ka duwan yahay
0 Comments