LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

The goal that saved Southgate, the miracle that happened and the surprising Spain

 





Jude Bellingham ayaa badbaadiyey xulka qaranka ee England, kadib markii u dhaliyey xili danbe ciyaartii Slovakia vs England oo uu dhaliyey gool England kusoo celiyey 

Slovakia iyada ayaa ciyaarta ugu cadcadayd laakin wax walba waxa ay is wadaleen markii ay gadhay daqiiqadii ugu danbeyey oo uu baraajeyey Jude Bellingham 

Hadii England guul daro xambaar sanaan lahayd waxa ay noqon lahayd dhamaadka tobobaraha Gareth Southgate gool cajiib ah oo islaab oo u dhaliyey Jude Bellingham ayaa badbaadisay Southgate

Bellingham waxa uu Sabtidii u dabaal degay dhalashadiisa 21aad, wuxuuna goolkiisa kaga farxiyay taageerayaasha England ee niyad jabsana.


Jamaahiirta England ayaa aamusnaan ku cabirayay dareenkooda ku aadana labadii ciyaarood ee la soo dhaafay ee Denmark iyo Slovenia oo ay ingiriisku bandhig liita sameeyen, xitaa sidoo kale waxay ku oorinayen Magaca Southgate.


Ciyaartoyda England ayaa si toos ah lagu jeesjeesay waqtigii nasashada – fadeexad iyo weji gabax ayeena noqon lahayd haddii Slovakia ay guul gaari lahayd.


England waxay wareega xiga ku aaday xulka Switzerland, waxayna sabtida ku ciyaarayan magaalada Dusseldorf.






Hary kane ayaa dhaliyey season kan 48 gool xul iyo kooxba, wana goolkiisi 14 naad ee uka dhalinayo afartii tartan ee waawayna ee xulkiisa kala qayb galay ma jiri ciyaartoy Europe ah oo ka madax fiiqan hary kane 












KOBBIE MAINOO ayaa ka qayb noqday da'yarkii yaraa ee caawa England u ciyaara ciyaar wayn kaliya Roney ayaa ka dhaqsa badnaa ee ku ciyaaray 18sano iyo 198 maalmood  




Spain, meanwhile, advanced to the next round of Euro 2024 after defeating Georgia


Georgia ayaa markeliya ka yaabiyay dadkii ku sugna garoonka Cologne markii ay si lama filaan ah hogaanka ugu qabteen 18 daqiiqo gudahood.

Daafaca xulka qaranka Spain ee Robine le Normand ayaa kubad is dhaliyey markii uu soo karoosay ciyaartoyga Otar kakabadze oo uu shabaga iska dhaliyey
Spain ayaa halkeeda ka sii waday weerarka, iyagoo sameeyay fursado aan la soo koobi karin, waxaana fursadahasi ka faa’ideystay Fabian Ruiz kadib markii uu madaxa ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Lamine Yamal oo 16 jir ah.

Si kastaba Nico Williams iyo Dani Olmo ayaa dilay ciyaarta oo dhaliyay goolasha 3aad iyo 4aad.

Spain waxay ku aaday oo ay oo jimcaha magaalada Stuttgart ku kulmi doonan xulka koobka martigelinaya ee Jarmalka.




Post a Comment

0 Comments